AMISOM oo sare u qaaday Walaaca ay ka qabaan heerka Diyaar-garow ga Ciiddanka DFS

Taliyaha Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM,Paul L’Okech ayaa sheegay inay Taliyayaasha AMISOM si weyn uga xoojanayaan sidii loo xaqiijin lahaa inay Ciiddanka Somalia li;a wareegaan Sugidda Ammaanka ee Somaalia.

 Taliyaha waxa uu tilmaamay  inay Ciiddanka Somalia ee  SNA yihiin kuwo Tababaran, balse aan diyaar garow fiican u lahayn Hawsha ku soo fool leh, wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in si fiican gacanta loogu hayo, si aan loo baylihin waxqabadkii la soo qabtay.

Taliyaha Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM,Paul L’Okech waxa uu tilmaamay inaysan Somalia wax ciiddan ah lahayn muddo dheer, loona baahan yahay indadaal badan la geliyo Tababarka, dib-u-habaynta iyo Diyaarinta Ciiddankaasi.

Afhayeenka Hawlgalka AMISOM, Richard Omwega oo u dhashay dalka Kenya ayaa sheegay 10-sanno oo ay AMISOM joogtay Somalia kadib inay QM doonayso inay tababaraan Ciiddanka Somalia. Inkasta oo u uka cawday shuruudaha lagu xiray Xilliga Kal-guurka AMISOM ee ay kaga baxayaan Somalia sannadka 2021-ka.

Dhinaca kale, Wargeyska The Observer ee ka soo baxa magaalladad Kampala ayaa qoray in 75 Layli Sarkaal uu haatan tababar uga socda gudaha Uganda, kuwaasi oo la filayo inay ku soo biiraan 4.000 Askari ee ay Uganda soo tababartay.

Sidoo kale, Turkiga waxa uu haatan tababarayaa ku-dhawaad 1,000 Askari, halka ay Imaaraadka Carabta horey u tababareen  500 Askari, kueaasi oo ay wehliyaan Ciiddan kale oo ay Maraykanka iyo Midowga Europe tababareen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor