AMISOM oo ka warbixisay weerarkii ay Alshabaab muddada kooban kula wareegeen qeybo ka mid ah Sh/hoose

Taliyaha Hawlgalka  AMISOM ee Qeybta 1-aad (Sector One), Sarreeye Guuto Saam Kavuma ayaa sheegay inay Dagaalyahanno Alshabaab oo aad u hubeysan ay Jimcihii la soo dhaafay soo weerareen Deegaanadda Aw Dheegle iyo Mubaarak oo ka tirsan Gobalka Sh/hoose.

Taliyahaasi oo u dhashay dalka Uganda ayaa ku sheegay Wareysi maanta lagu soo daabacay Wargeyska The Monitor ubay Ciiddanka AMISOM dib u waabiyeen Alshabaab, oo uu tilmaamay inay baxsad ku jiraan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dagaalamayaasha Alshabaab si xooggan ugu jiraan dadaal sidii ay weeraro rogaal-celis ah ugu soo qaadi lahaayeen Deegaannaddii laga saaray.

Jimcihi ila soo dhaafay ayey ahayd, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab la wareegeen Deegaannadda Aw Dheegle iyo Mubaarak, kadib, markii ay u itaal sheegteen Ciiddanka Dowladda ee farriisinka ku lahaa Deegaanadaasi.

Alshabaab ayaa laga saaray goobahaasi, kadib, markii ay Ciiddamo gurmad ah gaareen Deegaanadaasi, taasi oo kalliftay inay Dagaalamayaasha Alshabaab dib ugu laabtaan farriisimadii ay ka soo duullaan tageen.

Xigasho:- The Monitor