AMISOM oo ka warbixisay Hawlgalka loogu magac daray Isku-furista Goballadda Jubbooyinka

Taliska Ciiddanka AMISOM ayaa sheegay inay weli socdaan Hawlgalka Dagaalamayaasha Alshabaab looga saaro Deegaannadda ay kaga sugan yihiin Goballadda Ged, Bay iyo Bakool.

War-saxaafadeedka ayaa lagu muujiyey inay Ciiddanka ka kala socda dalalka Ethiopia, Kenya  oo taageero ka helayo Ciiddanka Dowladda Federalka Somalia ay si wadajir ah gacanta ugu dhigeen Deegaanno badan oo ka tirsan Goballadaasi, oo ay ka mid yihiin Degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor iyo yo Tuullooyinka Taraaka, Jungal, Duraneed, Ceel-cilaan, Ufurow, Eesow, Xasanow Muumim, Iidaale, Dhargo iyo Manaas.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in qabsashadda Baardheere iyo Diinsoor tahay guul ballaaran, iyadoo Dagaalamayaasha Alshabaab haysteen Degmooyinkaasi toddobadii sanno ee la soo dhaafay.

Taliska AMISOM waxay sheegeen inay Hawlgalladda dagaal ee ay la galeen Shabaab ku dileen 72 dagaalyahan, kuna dhaawaceen 24-kale, halka ay 9 kalena gacanta ku dhigeen, waa sida lagu xusay War-Saxaafadeedka AMISOM.

Dhinaca kale, Taliska AMISOM waxay ka codsadeen Mujtamaca iyo Hoggaamiyayaasha Diinta inay si dhow ula shaqeeyaan Ciiddanka Dowladda Federalka iyo kuwa AMISOM, isla markaana ay soo gudbiyaan wararka muhiimka ee Alshabaab, si looga hortago weeraradooda, waa sida hadalka loo dhigay.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor