AMISOM oo ka hadashay weerarkii shalay ka dhacay Marka (WAR SAXAAFADEED)

War Saxaafadeed ay Taliska AMISOM ay soo saareen waxay si kulul ugu beeniyeen Eedeymaha lagu sheegayo inay Askarta AMISOM shalay ku dileen Degmadda Marka in ka badan 11-qof oo rayid ahaa.

War Saxaafadeedka oo loo qeybiyey Warbaahinnadda Calaamiga iyo kuwa Maxaliga ayaa waxaa lagu sheegay inay Ciiddanka Ammaanka oo hawlgal caadi ah ku jira la kulmeen Xero lagu tababaro Dagaalamayaasha Alshabaab oo ku taalla Deegaanka Juujoomo oo ku dhow Xaafadda Ceel-Hindi.

Ciiddanka ayaa la sheegay inay tacshiirad is-dhaafsadeen Alshabaab, halkaasina ay ku dileen Shan Dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab, oo uu ka mid ahaa hoggaamiye muhiim ahaa oo la oran jirey Mohamed Daahir, waa sida ay hadalka u dhigeen.

War Saxaafadeedka AMISOM waxaa kaloo lagu sheegay inay halkaasi ka soo heleen labo qori iyo dhowr waxyaabaha qarxa.

Ugu dambeyntii War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Waajibaadka Ciiddanka AMISOM yahay inay ka hortagaan khasaaro soo gaara dadka rayidka, waxayna beeniyeen inay dad rayid ahaa ku dileen magaalladda Marka.

Dhinaca kale, AMISOM waxay sheegtay inay sii wadi doonaan roondada lagu sugayo ammaanka dadka ku nool Deegaankaasi.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor