Amisom oo ka hadashay dhacdo ay Ciidamadooda ka geesteen duleedka Muqdisho

Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya (Amisom) ayaa ka tacsiyeeyay geerida labo askari oo ka tirsanaa ciidanka dawlada Somaliya kuwaas oo uu jiiray baabuur kuwa qafilan ah oo ay wateen ciidanka Amisom meel u dhaw deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho maalinimadii Khamiista.

Qoraal Amisom ay soo saartay ayaa waxa ay ku sheegtay inay ka naxday Shilkaasi, islamarkaana lagu sameynaayo Baaritaan deg deg ah.

Taliska Amisom wuxuu intaa ku daray in tallaabada ku habboon laga qaadi doono ciddii ku lug yeelata falkaasi geerida labada askari.

Ciidanka ay dileen Amisom ayaa waxa ay saarnaayeen Mooto, waxaana dul maray gaariga Amisom, kadibna isaga soo cararay.

Shilka kadib ayaa boqollaal dadweyne oo ka careysan dhacdada waxay qaadeen mudaaharaad cabasho ah oo ay ku diidan yihiin falalka soo laalaabta ee ciidanka Amisom ay ku jiiraan dadka marka ay marayaan waddooyinka waaweyn.

Dadweynaha oo aad u careysnaa ayaa socod dheer ka soo bilaabay duleedka Muqdisho, waxayna soo gaareen illaa bartamaha caasimada agagaarka KM5 xilligaasoo saraakiisha ciidanka booliska Soomaaliya ay ka hortageen, iskuna dayeen inay dadka dib ugu celiyaan deegaanadii ay ka yimaadeen si xaallada loo dajiyo.

Dadka ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah AMISOM, waxayna dalbanayeen inay toos u tagi doonaan xerada weyn ee Xalane, iyagoo sheegay inay ka xun yihiin dhiigga dadka ee ay AMISOM daadineyso maalin kasta.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media