AMISOM oo ka digtay inay Alshabaab qorsheynayaan  weeraro cusub iyagoo isticmaalaya Labiska Askarta AMISOM

Hadal Qoraal ah oo ay AMISOM soo dhigeen Barta ay ku leeyihiin Twitterka ayey ku sheegeen inay heleen Warbixin ku aadan inay Alshabaab qorsheynayaan inay Labiska Ciiddanka AMISOM u adeegsadaan Weeraro cusub oo ay ka geystaan gudaha Somalia.

Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay inay Alshabaab maagan yihiin inay xirtaan Labiska AMISOM, isla markaana iyagoo iska dhigaya Askarta AMISOM fuliyaan weeraro, waa sida lagu qoray Twitterka u gaarka ah Hawlgalka AMISOM.

Saraakiisha AMISOM ayaa sheegay inay rumeysan yihiin inay Dagaalamayaasha Alshabaab Labiska Ciiddanka AMISOM horey uga qaateen Weeraradii ay la beegsadeen Xerooyinka AMISOM ku lahaayeen Deegaanadda Jannaale, Qoryooleey, Leego iyo Ceel-cadde.

Weerarkii ugu dambeeyey ee ay Alshabaab bartamihii bishii hore ee Janaayo ku qaadeen Ciiddankii Kenyanka ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo ayaa waxay sheegeen inay ku dileen in ka badan 100 Askari oo Kenyan ah.

Si kastaba ha ahaatee, Hadalka ka soo baxay AMISOM ayaa u muuqda mid ay ku muujinayaan inay ka feejigan yihiin Weeraradda ay goor kasta ka filan karaan Alshabaab

©Radio Dalsan

 

AMISOM has information that due to panic Al-Shabaab have plans to masquerade as AMISOM and dress in AMISOM troop’s uniforms.

..These uniforms were accessed from AMISOM camps in the past and disguised as such, AS are organising to carry out atrocities.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor