AMISOM oo jawaab ka bixisay eedeyn loo jeediyey

Taliska Hawlgalka AMISOM waxay shalay beeniyeen warar sheegayey inaysan Ciiddankooda si dhow ugala shaqeynin Ciiddanka DFS sidii ay hoos ugu dhigi lahaayeen Awoodda Dagaalamayaasha Alshabaab.

Qoraalka ka soo baxay Hawlgalka AMISOM waxaa lagu beeniyey Eedeymahaasi, iyagoo sheegay inay Ciiddanka DFS si buuxda isaga kaashadaan sidii lagu dhisi lahaa Awoodooda La-dagaalanka Alshabaab iyo Soo-celinta Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia, waa sida hadalka loo dhigay.

Taliska AMISOM waxay qoraalkaasi soo saareen , kadib, markii ay Saraakiisha Milliteriga ee ku sugan Jubbooyinka ku eedeeyeen inaysan Ciiddanka AMISOM ka taageerin Dagaalkii ay dhawaan Alshabaab kula galeen Deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

Goballadda Jubbooyinka waxaa ku sugan Kumanaan ka tirsan Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo inta badan la sheego inay iyaga iyo Maamulka Jubbaland ku mashquulaan canshuuraha ay  ka qaataan Dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo iyo Jid-gooyadda ay Gaadiidka Xamuulka maraan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor