AMISOM oo isagga Baxday Markale Deegaanka Leego

Ciidamadda Midowga Afrika Ee AMISOM ayaa saakay markale isagga Baxay deegaanka Leego ee Gobolka Shabeeladda Hoose.

AMISOM ayaa shalay halkasi la wareegtay kadib markii Kooxda Al Shabab ay Weerar Culus ku qabsatay Xarunta AMISOM ee Deegaanka Leego Dhamaadka Isbuucii hore.

Dhinaca AMISOM waxa ay faarujisay Laba Xarun oo kale oo ku yaalla Deegaanka Tooratorow Iyo Lafole sida laga soo xigtay Ila wareedyo lagu kalsoon yahay.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin Talaabooyinkan AMISOM ay uga baxday Fariisimahasi oo laga yaabo in markale ay dib ula wereegto Al Shabab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor