AMISOM oo Deeq Raashin ah ka Qeybisay Cisbitaalka Banaadir

Saraakiil Ka Tirsan Ciidamadda Boliiska Amisom ayaa maanta Waxaa ay deeq gar gaar raashin ah gaarsiiyeen bukaanada ku jira qeybo Kamida Cisbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka Banaadir.

Saraakiisha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee cisbitaalka iyadoona gar gaarka ay ku wareejiyeen Madaxda cisbitaalkaasi.

intaasi kadib mid kamida Saraakiisha boliiska Amisom ayaa la hadlay Saxaafadda Waxaana uu sheegay in Amisom ay garab taagan tahay Ummadda Soomaaliyeed.

Gudoomliya Cisbitaalka Banaadir Dr C/Risaaq Xasan Cali ayaa dhankiisa ka Mahad Celiyay deeqda Raashinka ah, Waxaana uu intaasi ku daray in Cisbitaalka uu u baahanyahay Gar gaar Dheeraad ah.

Sidoo kale Waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha Degmadda Wadajir Axmed Cabdulle Afrax waxaa uuna tilmaamay in loo baahanyahay Hay’adaha gar gaar ka inay Gurmad deg deg ah lasoo gaaraan Cisbitaalka Banaadir.

Deeqda Gar gaarka ah ee Amisom Ka Qeybisay Cisbitaalka Hoyada iyo Dhalaanka Banaadir ayaa ka Koobneed Bariis, Boorash iyo Timir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor