AMISOM oo codsatay Diyaarado ay kula dagaalamaan Alshabaab.

Ciiddanka Hawlgalka Nabad-ilaalinta AMISOM waxaa soo food saartay xaallad Geesinimo si ay Alshabaab uga saaraan goobaha Dhufeysyadda ee ay ku xooggan yihiin.

Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Danjire Francisco Madeira oo la hadlay Telefishinka NTV Kenya ayaa sheegay inay dagaal Jabhadayn ama Ku-dhufo oo Ka-carar kula jiraan Alshabaab, oo uu xusay inay ku weeraraan hadba meesha ay ku sugan yihiin.

Waxa uu intaasi ku daray inay u baahan yihiin in la xoojiyo Awoodda Ciiddan ee Hawlgalka AMISOM iyo dhinaca Sirdoonka, si loo duqeeyo Deegaanaddaay Alshabaab ku sugan yihiin, waa sida uu hadalka u yiri.

Danjire Francisco Madeira waxa kale oo uu tilmaamay inay Hawlgalka AMISOM u baahan yihiin Diyaaradaha Helikoptaradda si ay ugu adeegsadaan inay ku garaacaan, kuna dhabar jebiyaan Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Ciiddanka AMISOM oo sannadkii 2011-kii ku guuleysatay inay Alshabaab ka wada saaraan magaalladda Muqdisho ayaa waxay weli la kulmaan Dagaal Jabhadayn, iyadoo ay Alshabaab mararka qaarkooda weeraraan Fariisimadda AMISOM, isla markaana ay maleegaan Qaraxyo lala beegsado Gaadiidka Gaashaman ee AMISOM ee inta badan isaga kala goosha Muqdisho iyo Goballada kale.

Dhinaca kale, AMISOM oo Jadwal-hawleedka loo idmaday ka mid yahay inay Tababaraan Ciiddanka Qaranka iyo Boliska Dowladda Federalka, si ay Ciiddanka Qaranka ula wareegaan Hawlaha Ammaanka ee Somalia ayaa u muuqata inay ku guul-daraysteen Qorshahaasi.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor