Amisom oo Cambaareysay Weerarkii Maanta Ka Dhacay Baydhabo

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Maman Sidikou ayaa Cambaareeyay Weerarkii Maanta Al Shabab ay ku qaaday Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warsaxafadeed ka soo baxay Xafiiska Danjire Maman Sidikou ayaa lagu shaaciyay in Weerarkasi uu u dhibaateynayo Nabadda ay ku naalonayaan Ummadda Soomaaliyeed.

Danjire Sidikou ayaa sheegay inuu saakay Maqlay Warkan Murugga leh sido kale uu maqlay Weerar kale oo Xalay la isku dayay in lagu qaado Hotel ku yaala Muqdisho.