AMISOM oo Booliska Soomaaliya u tababareysa ka hortaga Aaladaha Qarxa

Booliska AMISOM ayaa tababar soconaya 10-maalin Muqdisho ugu furay Ciidamada Booliska Soomaaliya,kaasi oo lagu barayo sida fudud ee lagu ogaan karo Aaladaha Qarax ee loo yaqaano “Improved Wired Explosive Devices (IEDs)”

Tababarka ayaa loogu talagalay in lagu qalabeeyo saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya,waxaana sidoo kale intuu socda lagu baranayaa Xirafado muhiim ah oo looga hortagayo, laguna xakameynayo,sidoo kalena  lagula dagaallami karo weerarrada Qaraxyada ee Kooxda Al-Shabaab.

Aaladaha Qarax waxay noqdeen hubka ugu muhiimsan ee Kooxda Argagixisada ay doorbideen iney u adeegsadaan dagaalada magaalooyinka waa weyn iyo waliba iney ku aasaan wadooyinka,taasi oo loo arko iney tahay qatarta ugu weyn ee Ammaanka iyo Xasiloonida Soomaaliya.

Sarkaalka AMISOM ee Tababarkaan bixinya oo lagu magacaabo Hassan Guhaad Cabdullaahi,ayaa sheegay in tababarkaan muhiim u yahay Ciidamada Booliska Soomaaliya sababtuna ay tahay in Al-Shabaab hadda hubka keliya ay adeegsadaan ay tahay Walxaha Qarxa (IEDs),islamarkaana sababa dhimashada dadka iyo bur burka dalka.

” Waxa ugu muhiimsan ay hadda barteen waa in loo diido Kooxda Nabadiidka fursada lagana hortago iney sidaasi sameeyaan,iyadoo loo marayo si xeeladeysan,” ayuu yiri Sarkaalka tababarkaan fulinaya.

Qarashka ku baxaya Tababarkaan oo ay bixineyso Dowladda Japan ayaa la marsiinaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee adeega mashaariicda (UNOPS).

Tababaro nuucaani oo kale ayay Saraakiisha Ciidamada Booliska AMISOM ku qabteen qaar ka mid ah maamul Goboleedyada sida Maamulka Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media