AMISOM oo beenisay inay dad rayid ah ku dileen duqeyn ka dhacday duleedka Jannaale.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Ergadda Midowga Afrika ee Somalia ayaa lagu sheegay inaysan waxba ka jirin wararka lagu sheegay inay Ciiddanka Burundi ee fariisimadda ku leh Gobalka Sh/hoose ay dhawaan 7 qof oo rayid ah ku dileen Tuulladda Faranko ee duleedka Jannaale.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka AMISOM duqeeyeen Dagaalyahanno ka tirsan Xarakadda Alshabaab oo ku sugnaa Tuulladda Faranko, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Warar Madax-bannaan ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan inay Duqeyntaasi ku habsatay guryo ay degganaayeen 2 qoys oo ka mid ah dadka deggan Tuulladda Faranko, halkaasi ku geeriyoodeen  qof oo kala ahaa 3 wiil iyo 3 haween, waxaana ku dhaawacmay dhowr qof.

Ma aha markii ugu horreysay ee ay Ergadda Midowga Midowga Afrika beeniyaan Duqeymo ay AMISOM geystaan, laguna dilay dad rayid ah oo aan waxba galabsanin.

Horey ayey Ciiddanka Ethiopia iyo kuwa Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM dad rayid ah ku xasuuqeen gudaha magaalladda Marka iyo duleedka magaalladda Baydhabo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor