AMISOM oo beenisay in askar nool looga qabsaday weerarkii janaale.

Afhayeenka AMISOM Baawul Nakajuuna , oo kusugan dalka Kenya oo wareysi siiyay VOA, ayaa sheegay in aan waxba ka jirin wararka sheegaya in askar nool ay al shabab ay gacanta ku dhigeen, kadib markii deegaanka janaale ee sh/hoose, ay weerar kusoo qaadeen shalay.

Sidoo kale waxaa uu carabka ku adkeeyay in ay iyaga gacanta ku hayaan, saldhiga uu shalay weerarka uu ka dhacay.

Waxaa uu hadalkiisa uu sii raaciyay in hada ay iyaga maamulaan saldhiga, ayna si buuxda gacan ku heynta ula wareegeen. Isagoona ku daray in laga rabo cidii sheegtay in ay xaqiijiso in askar ka tirsan AMSIOM ay gacanta ku hayaan lagana dilay 50 askeri.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor