AMISOM oo abaalmarin guddoonsiiyey Saraakiil u dhalatay dalka Nigeria

Munaasabad abaamarin Billado lagu guddoonsiinayey 24 Sarkaal oo ka tirsan Ciiddanka Boliska ee dalka Nigeria ayaa dhawaan lagu qabtay Xarunta Dhexe ee AMISOM ee magaalladdan Muqdisho.

Saraakiishaasi waxay muddo hal sanno ah la shaqeynayeen Ciiddanka Boliska ee AMISOM ka wadaan qeybo ka tirsan dalka Somalia.

Taliyaha Boliska AMISOM, Anand Pillay ayaa u mahadceliyey Saraakiisha Nigeria, kuwaasi oo lagu wado inay dhawaan ku laabtaan dalkooda hooyo.

Sarkaalka hoggaaminayey Saraakiisha Boliska Nigeria oo lagu magacaabo Victor Akingbade Fakorede ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay dhamaysteen hawlihii ay u joogeen Somalia, wuxuuna Soomaalida u rajeeyey nabad iyo horumar.

Boliska AMISOM waxay taageero iyo tababaro siiyaan Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed, si ay u soo celiyaan Sharciga iyo Nabada Somalia.

© Radio DalsanAMISOM POLICE AMISOM

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor