Ahmiyad in tee la eg ayuu Soomaaliya uu u leeyahay shirka Dhaqaalaha Aduunka?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre wuxuu ka qayb galayaa kulan sanadle ah oo lagu qabto magaalada Davos oo ku taala dalka Switzerland isla markaana arrimaha dhaqaalaha iyo Siyaasadda caalamka lagu falanqeeyo, kaas oo ay isugu yimaadaaan shirkadaha adduunka u dhaqaalaha badan oo shirkadda ugu yar sanadkii faa’iido hal Bilyan ah soo xerayso iyada oo aan loo ogolayn shirkadaha yar yar, waxaana lagu casuumaa madaxda dalalka rajjadda maalgashiga laga qabo, kuwaas oo isugu jira Madaxweyne, Ra’iisul Wasaare Iyo Wasiirado.

Waxaa lagu odorosaa khatarta dhaqaale iyo siyaasadeed ee Adduunka ku soo wajahan iyo qaabka looga hortagi karo, waxa kale oo ay shirkaduhu kulankan madaxda uga faa’iideystaan siday xidhiidh ula samayn lahaayeen, goobaha ugu habboon ee maalgashi lagu samayn karana madaxdaas ugala sheekaysan lahaayeen, waxaana la qabtaa doodo iyo aragi isweydaarsi, waxaa lagu marti galiyaa saxafiyiin iyo khubaro la soo xulay.

Soomaaliya Waa markii ugu horaysay ee lagu casuumo tan iyo markii kulanka la aasaasay 1971, waxaana muuqata in shirkadaha caalamiga ahi xilligan Soomaaliya xiisaynayaan, isla markaana doonayaan in ay xidhiidh la yeeshaan dawladda Soomaaliya, waana talaabo weyn oo Soomaaliya hore u qaaday marka la fiiriyo ahmiyadda uu leeyahay kulanka Davos ee dalka Switzerland.

Shaki kuma jiro in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay  dadaal dheeraad ah ku bixisay sidii Soomaaliya uga qayb gali lahayd kulankan.

Guusha kale ee kulanka Davos ka soo hooyatay ayaa ah sida ay hay’ada IMF “Hay’ada Lacagta Adduunka” ugu heelantahay in Soomaaliya deynta laga dhaafo haday ku sii waddo shaqada sida ay hadda ku socoto waxayna arrintaasi ka soo baxday kulankay Davos ku yeesheen madaxa Hay’ada IMF Christine Legarde iyo RW Xasan Cali Khayre.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media