Ambassador Awliyo:- “Qabsashadda Ahlu-sunna Wal-jameeca ee Dhuusa-mareeb waxay la mid tahay Qabsashaddii Fatxul Maka”

Danjiraha Somalia uga wakiilka ah dalka Senigal, Ambassador Maxamed Xuseen Awliyo ayaa ku bogaadiyey tallaabaddii ay Dagaalamayaasha Ahlu Sunna Wal-jameeca ee Goballadda Dhexe  dhawaan ku qabsadeen magaallo-madaxda Gobalka Galgaduud ee Dhuusa-mareeb, wuxuuna sheegay inay tahay guul ballaaran.

“Qabsashadda Ahlu-sunna ee magaalladda Dhuusa-mareeb waxay la mid tahay Qabsashaddii Fatxul Maka” ayuu yiri Ambassador Awliya oo dhawaan Shir Jaraa’id ku qabtay caasimadda dalka Uganda ee Kampala.

Waxaana uu ugu baaqay Maamulka iyo Ciiddanka Ahlu Sunnada ee Goballadda Dhexe inay ku mintidaan guusha ay gaaraan, isla markaana ay hayinka u qabtaan Shirweynaha ay Beelaha deggan Goballadda Dhexe kaga tashanayaan Dhismaha Maamul-gobaleed u gaar ah.

Mas’uulkaasi waxa uu carro kala dul-dhacay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Dowladda Federalka, C/kariim Xuseen Guuleed oo haatan ka mid ah Musharixiinta u taagan xilka Madaxtinimadda ee haatan ka socda magaalladda Cadaado.

Waxa uu aad u naqdiyey inta uu C/kariim Xuseen Guuleed hayey xilkaasi oo uu ku eedeeyey inuu caburiyo, isla markaana uu Ahlu Sunnadda Goballadda Dhexe duudisyey  xaqooda , waa sida uu hadalka u dhigay.

Ambassador Maxamed Xuseen Awliyo waxa uu ugu baaqay Musharax C/kariim Xuseen Guuleed inuusan ku kadsoomin inuu xil ka helo Goballadda Dhexe, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu Musharaxaasi dakanno galay dadka ku nool Goballadda Dhexe.

Dhinaca kale, Danjiraha Somalia uga wakiilka ah dalka Senigal, waxa uu ka hadlay Shirka Maamul-u-samaynta ee ka socda magaalladda Cadaado, wuxuuna sheegay inuu Shirkaasi yahay mid lagu dhisayo waxa uu ugu yeeray Maamul rimay gacmeed ah.

© Warqabadka Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor