Amarka Maxkamadda Breda kadib, Milkiilaha Waagacusub oo raalli-gelin ka bixiyey qoraalladii uu kaga been sheegi jirey Dahabshiil

Maxkamadda Rafcaanka ee magaalladda Breda ee Koonfurta dalka Holland ayaa ku amartay Milkiilaha Websaytka Waagacusub, Daahir C/lle Calasow inuu raalli-gelin buuxda ka bixiyo qoraallo been abuur ah oo uu wax ugu dhimayo Sumcadda Xawaaladda Dahabshiil ku dhex leedahay Mujtamaca Soomaalida iyo Caalamka oo idil.

Hadal ka soo baxay Maxkamadda Rafcaanka ee magaalladda Breda waxay Daahir Cabdulle Calasow ku xukuntay Awaamiirtan soo socoto:-

  1. Inuu sida ugu dhaqsaha badan Websaytyadiisa uga wada saaro Maqaalaadka uu ku dicaayadeeyey Shirkadda Xawaalladda ee Dahabshiil, kuwaasi oo lagu qoray Luqadaha Soomaaliga iyo Englishka.
  2. Inuu Raalli-gelin buuxda ka bixiyo, isla markaana uu muddo 14 maalmood gudaheeda uu Websaytkiisa ku qoro Raalli-gelin uu ku shaacinayo inay Qoraalladii uu ka qoray Shirkadda Dahabshiil ahaayeen kuwo been abuur ah oo aan xaqiiqo lahayn.
  3. Inay Qoraalladda Raalli-gelinta muddo 12-bilood ku dul daabacnaadaan oo saarnaadaan Websaytyaddiisa ay ka midka yihiin: waagacusub.com, waagacusub.net, sunatimes.com iyo kuwa kale, isla markaana uu qoraal Sixitaan ah dhigo dhamaan Wabsatyadiisa iyo Cinwaanadda uu maamulo ee uu ku leeyahay Shabakadaha ay Bulshadda ku wada xiriiraan.
  4. Maxkamadda waxay kaloo  ku amartay Daahir C/lle Calasow inuu E-mailo uu ku beeninayo qoraalladaasi u diro kooxo badan oo dad ah oo uu dhowr sannadood ka hor la xiriiray una gudbiyey Eedeymaha ka dhanka ah Dahabshiil.
  5. Maxkamdda Breda waxay kaloo si rasmi ah u sheegtay in dhamaan eedeymihii lagu sheegay inay Dahabshiil maalgeliyaan Argagixisadda iyo Colaadaha ahaayeen kuwo la dhoodhoobay, oo aan lahayn Caddaymo ku filan oo taageeri karta waxa uu Daahir C/lle Calasow ku qoray Websaytyadiisa.

Isla markii ay Maxkamadda soo saartay Amarkaasi culus, waxa uu Daahir C/lle Calasow bilaabay inuu fuliyo Xukunka Maxkamadda ku taalla Degmadda uu ka deggan yahay Holland, wuxuuna twitterkiisa ku soo qoray Erayo uu ku muujinayo inuusan  Eedeymaha uu u jeediyey Dahabshiil u haynin caddaymo ku filan

Halkan ka akhriso Farriinta uu Daahir C/lle Calasow soo dhigay Twitterkiisa oo uu si rasmi ahaan ugu beeniyey Eedeymihii uu ka qoray Shirkadda Dahabshiil:-

Dahir Alasow @DahirAlasow1“SIXITAAN: Cadeeymo ku filan la-aanteed waxaan qoraaladeeydii hore Dahabshiil la xiriirshay dimbiyo,qalalaaso iyo argagixisonimo.

9:38 AM – 25 Dec 2015

Dahir Alasow @DahirAlasow1

Dahir Alasow @DahirAlasow1 “CORRECTION:without sufficient evidence I associated Dahabshiil criminal acts,violence and terrorism in previous posts.”

9:38 AM – 25 Dec 2015

Sidoo  kale, Afhayeen u hadlay Shirkadda Xawaalladda Dahabshiil ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin, soona dhaweynayaan Go’aanka iyo Khibradda Maxkamadda Rafcaanka ee Breda ee ay ku aqoonsadeen inaysan dabeecad ahaan sal iyo raad toona lahayn Eedeymaha Qoraalladda been abuurka ee lagu qoray Websaytyadda uu maamulo Daahir C/lle Calasow.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay rajeynayaan inay tani noqon doonto mid soo af-jarta Eedeymaha noocaasi oo kale ah ee looga been sheego Shirkadda Dahabshiil oo ka mid ah Shirkadaha Xawaaladaha ee ugu ballaaran Somalia.

Dhinaca kale, Soo-dedejinta Dacwadda Maxkamadda Rafcaanka ee magaalladda Breda ee ka dhanka ah Daahir C/lle Calsow  ayaa timid kadib, markii ay Hadal-qoraal soo wada saareen Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ), Dalladda Xarumaha Warbaahinadda Madaxa bananaan ee Somalia (SIMHA) iyo Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) oo ay ku magacaabeen in Daahir C/lle Calasow iyo saaxiibkiisa Cumar Faaruuq Cismaan yihiin Koox yar oo Suxufiyiin oo si sharci-darro wax u daabacda, isla markaana ay Siyaasiyiinta, Ganacsatadda, Shirkadaha iyo Shaqsiyaadka magaca ku dhex leh Ummadda Soomaaliyeed ka faafiyaan dacaayado been abuur ah si ay uga helaan Lacago Baad ah.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor