Amar ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo oo ka dhaqan galay Muqdisho

24-kii Saac ee la soo dhaafay  waxaa inta badan xirnaa isku-socodka Dadka iyo Gaadiidka ee Wadooyinka Magalada Muqdishi,iyada oo dadka Shacabka ah ay dhibaato ku qabeen.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gelinkii dambe ee Maanta waxa uu Hay’adaha Amniga ku amray in ay furan Wadooyinka laga xiray Shacabka Muqdisho,isla markaana amni lagu heli karo Wadashaqeynta Shacabka iyo ciidamada.

Wadooyinkii xirnaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Ciidamadu ay dib u fureen kuwaas oo Gaadiidka dadweynaha iyo Mooto Bajaajka ay sicaadi ah u istcimaalayaan.

Hadalheynta Magaalada Muqdisho ayaa Maanta ilaa shalay waxa ay aheyd xirnaanshaha Wadooyinka,iyada oo maalma qura ay inaga xigaan Maalmaha Ciidul Fidriga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media