Alshsbaba oo weerar ismiidaamin ah ku qaaday Xerada Ciidamada Dawlada ee Laanta Buuro

Dagaalamayaasha Al shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ay weerar ismiidaamin ah ku qaadeen xeradda ciidamadda xooga dalka Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka laanta buuro ee gobolka shabeelaha hoose.

Al shabaab ayay u suurto gashay in ay gudaha u galaan xeradda waxaana halkaasi ka dhashay qasaare kala duwan.

gudoomiyaha gobolka shabeelaha hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa xaqiijiyay in weerarkaas lagu dilay 5-askari islamarkaana Al shabaab ay gacanta ku dhigeen labo gaari oo kuwa ciidanka ah.

“Al shabaab ayaa xalay saqdii dhexe soo weeraray xarunta ciidamadda xooga dalka ee laanta buuro waxaa weerarkooda ay ku bilaabeen qarax ismiidaamin ah kadib gudaha ayay usoo galeen waxaana weerarka uu socday muddo saacado ah”.

“qasaaraha ilaa hadda aan ogahay waxaa dhimashadda ilaa shan Askari sidoo kale Al shabaab waxaa ay gacanta ku dhigeen labo gawaari oo kuwa ciidamadda xooga dalka”

“Ciidamadda xooga ayaa hadda gacanta ku haya xeradda xaalaaddana aad ayay u dagan tahay”.

Dhinaca kale dagaalamayaasha Al shabaab ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in weerarka ay ku qaadeen xeradda Laanta buuro ay ku dileen in ka badan 30-askari.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor