“Alshabab Ayan Ka so badbaadinay Wariye Hanad”Maamulka Afgooye

War ka soo baxay Saraakiil ka tirsan Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu  sheegay in  Al-shabaab ka soo badbaadiyeen Wariye Hanad Cali Guuleed oo ka tirsan Raadiyaha iyo TV -ga  Goobjoog oo shalay laga Afduubtay Duleedka Magaalada Muqdisho.

Warka Saraakiisha ka soo baxay ayaa intaa ku daray in ay Gacanta ku hayaan Rag Hubeysan oo ka tirsan xoogaga Al-shabaab oo watay Wariye Hanad Cali Guuleed islamarkaana hadda ay sidoo kale hayaan Wariyaha oo Nabad Qaba.

Wariyaheena Afgoy Maxamed Xuseen oo ku sugan xarunta degmada ayaa sheegaya in maamulka ay qorsheynayan iney saxaafada la hadlaan oo ay faahfaahiyaan sida ay usoo badbaadiyeen.

Dhinaca kale Idaacada Goobjoog ayaa sheegtay n wariyahooda uu gacmaha ka xiran lagu so tuuray degmada Afgooye.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor