Alshabaabkii ay Galmudug qabteen oo arad-baxay.

Maamul-gobaleedka Galmudug oo maalmahan dgaal kula jiray Alshabaab geeddi ahaa ayaa waxay maanta deeq dhar ah u qeybiyeen Maxaabiistii ay ku soo qabteen dagaalladdii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay Koonfurta Mudug.

Maayarka magaalladda Gaalkacayo ee Galmudug, Xersi Yuusuf Barre ayaa maanta deeqdaasi u qeybiyey Maxaabiista Alshabaab, iyadoo ay deeqdaasi isugu jireen dhar iyo kabo.

Maxaabiista ayaa ku qanacsanaa inay arad baxaan, maadaama ay hal joog oo labiska Alshabaab wateen tan iyo markii ay ka soo firxadeen dagaalkii ka dhacay qeybo ka mid ah Puntland.

si kastaba ha ahaatee, Maamulka Galmudug ayaa waxay dhowrayaan Sharciga Xuquuqda Maxaabiista Dagaalka ee Caalamiga.

DAAWO SAWIRADDA:

GM4 GM3 GM1GM000 GM7777 GM444 GM4 GM3
GM GM7

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor