Alshabaabka ku sii qulqulayo Puntland  oo gaaray Bandar-bayle.

Ilaa afar dooni oo ay la socdaan Dagaalyahano ka tirsan Alshabaabka taageersan Daacish ayaa waxay baroosin dhigteen Xeebta Degmadda Banadr Bayle ee Gobalka Bari.

Ilo ku sugan Bandar Bayle ayaa sheegay inay Boqolaal Alshabaab soo gaareen halkaasi, kuwaasi oo aad u hubaysan, mana kala cadda halka ay ku sii jiheysan yihiin.

Dadka deegaanka ayaa dareemay cabsi, kadib, markii ay arkeen Dagaalyahanadaasi oo si aan cabsi lahayn doonyo ku soo gaaray Xeebta.

Shalay ayey ahayd, markii ay Kalluumeysatadda Degmadda Eyl sheegeen in ay Alshabaab kala wareegeen dhowr dooni, oo ay doonayaan inay Dagaalyahano ku soo daabulaan.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxay Alshabaab ku sii qulqulayeen Deegaano ka tirsan Maamulka Puntland, lamana soo sheegin dad ay jir-dileen ama dileen, inkastoo xilli kasta la filan karo inay xiisado colaadeed qarxaan.

Dhinaca kale, Maamulka Puntland ayaa la sheegay inay Isgaarsiinta degmooyinka ay Alshabaab gaareen jareen, si aysan ugu adeegsanin siyaabo kale, balse, Alshabaab ayaa la sheegay inay ku wada xiriiraan Isgaarsiinta Fooneeyaha ee Walk-talk.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor