Alshabaabka Daacish oo qabsaday Degaanka Garmaale ee Degmadda Eyl.

Boqolaal Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaabka taabacsan Daacish ayaa waxay ilaa Waaberigii hore ee saakayto doonyo kaga degayeen Xeebta Degmadda Gara-cad oo u dhow Degmadda Jariiban ee Gobalka Mudug.

Tallaabadaasi ayaa noqotay hadal-haynta ugu weyn ee harreeysay Madaxda Maamulka Puntland, oo iyagu rumeysan inay Alshabaab ka soo haajireen Fariisimadda ay ku leeyihiin Goballadda Koonfurta.

Wararka saakayto laga helayo Deegaanka Gara-cad waxay sheegayaan inay Dagaalamayaal fara badan oo ka tirsan Alshabaab baroosinka dhigteen Deegaan 10-KM u jirta Gara-cad.

Alshabaab waxay dadka Deegaanka u sheegeen inaysan wax dhibaato ah wadin, balse ay ugaarsan doonaan kuwa hubka wata iyo Askarta Puntland.

eylDhinaca kale, Dagaalyahanno Alshabaab ayaa la sheegay inay gaareen Xeebta Deegaanka Garmaale oo a tirsan Degmadda Eyl ee Gobalka Nugaal, waxayna fariisimo ka dhigteen Deegaankaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Dagaalamayaasha Alshabaab ee isku ballaarinayo Deegaannadda Xeebta ee Puntland ayaa la sheegay inay yihiin kuwii ku biiray Kooxda Daacish, waxaana Kooxdan hoggaamiyo Sheekh C/qaadir Muumin.

Bishii October ee sannadkii hore ayuu Sheekh C/qaadir Muumin iyo Taageerayaashiisa oo ay Shisheeye ku jiraan waxay ku dhawaaqeen inay ka go’een Alshabaabka Alqaacida, kuna biireen Kooxda Daacish ee ka dagaalama dalalka Syria iyo Iraq.

Kooxda Sheekh C/qaadir Muumin waxay Muuqaal Video ah ku sheegeen inay daacad u yihiin Hoggaamiyaha Daacish, Sheekh Ibraahim Cawadi Ibrahim Almuxamad Albadri Alsamaara, laguna naanayso Sheekh  Abu Bakar Albaqdaadi.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor