Alshabaab oo Xabsiga dhigtay Boqol Dagaalyahanno Kenyaan oo loogu tuhunsan yahay inay basaas u ahaayeen Kooxda Daacish

Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa saakayto qoray in in ka badan 100 Dagaalyahaano Kenyan ka tirsan Xarakadda Alshabaab lagu xiray Xabsiyo ku yaalla Degmooyinka Jilib iyo Bu’aale ee Somalia.

Dagaalyahanadaasi ayaa la sheegay in la xiray, kadib, markii looga shakiyey inay Basaasiin u yihiin Kooxda Daacish.

Waxa uu xarigooda ku soo aaday, iyadoo ay Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya dhawaan duqeeyeen Saldhig ay Xarakadda Alshabaab ku lahaayeen Degaanka Yoontooy, laguna dilay 15-dagaalyahan, lana burburiyey hub iyo 2 doonyood nooca matoorka leh.

Dhinaca kale, Qaar ka mid ah Dagaalyahano u dhashay Kenya ayaa bilaabay inay ka firxadaan Isqabsiga u dhexeeya Dagaalamayaasha Alshabaab ee ka dhashay Qorshaha ah inay Xarakadda Alshabaab ku biiraan Kooxda Daacish ama ay ku sii mid ahaayeen Ururka Alqaacida.

Wargeyska The Star waxa kaloo uu qoray inay Hay’addaha Ammaanka Kenya gacanta ku dhigeen tiro ka tirsan  Dagaalyahanno Kenya ee ka soo firxaday Alshabaab ee ka soo tallaabay Xuduudka Somalia.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor