Alshabaab oo weerartay ciiddan ku sugnaa Xeradda Laanta Buur ee Sh/hoose.

Boqolaal dagaalyahanno Alshabaab ayaa la sheegay inay saqdii dhexe ee xalay weerar qorsheysan ku qaadeen Ciiddan ka tirsan kuwa Dowladda Federalka oo ku sugnaa Xeradda Laanta Buur.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay labada dhinac isweydaarsadeen noocyadda hubka, waxaana la soo sheegay khasaaro labada dhinac ka soo gaaray Iska horimaadkaasi.

Tobaneeyo qof oo labada dhinac ayaa la sheegay in lagu dilay iska horimaadkaasi, halka kuwa kalena ku dhaawacmeen.

Taliska Milliteriga iyo Saraakiisha Xeradda Laanta Buur weli kama aysan hadlin khasaaraha ka dhashay weerarka Alshabaab oo la tilmaamay inay labo jiho ka soo weerareen xeraddaasi.

Dhinaca kale, Alshabaab ayaa sheegtay inay Askar ku dileen Laanta Buur, isla markaana ay horey u sii qaateen saanad iyo dhowr gaari nooca Teknikadda oo ay lahaayeen Guutadda 5-aad ee Ciiddanka Dowladda ee ku sugnaa xeradda Laanta Buur.

Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya arrintaasi, waxayna Alshabaab dib ugu laabteen fariisimo ay ku leeyihiin Degmadda Aw Dheegle ee duleedka Degmadda Afgooye.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor