Alshabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkii lagu dilay Saraakiil ka tirsan Boliska Kenya.

Xarakadda Alshabaab  ayaa sheegay inay fuliyeen weerarkii maanta ka dhacay inta u dhexeysa Degmadda Ceel-waaq iyo Deegaanka Lafey ee W/bari Kenya, laguna dilay 2 Sarkaal oo ka tirsan Boliska Kenya, laguna gubay gaarigii ay la socdeen.

GAARI BOLISKA KENYA OO LA GUBAYKu-xigeenka Guddoomiyaha Mandera, Fedrick Shisia iyo Hay’adda Bisha Cas ee Kenya ayaa iyagana xaqiijiyey in weerarkaasi lagu dilay 2 Sarkaal, laguna dhaawacay dhowr kale.

Weerarka maanta lagu dilay Saraakiisha ka tirsan Boliska Kenya ayaa waxa uu ka dhacay meel ku dhow deegaan labo isbuuc ka hor lagu dilay Sarkaal ka tirsan Milliteriga Kenya, laguna dhaawacay labo kale.

Dhinaca kale, Taliska Boliska Kenya waxay bilowgii Toddobaadkan ka digeen inay Alshabaab kordhin doonaan weeraradda ay ka geystaan gudaha dalka Kenya, iyadoo la sheegay inay Boqolaal dagaalyahan ku sugan yihiin Mandera iyo Dhulka Kaymaha ee Boni Forest.

©Radio Dalsan     

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor