Alshabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qarixii ka dhacay Xarunta Gaadiidka Boliska.

Alshabaab ayaa qiratay mas’uuliyadda qaraxaasi oo saakayto ka dhacay meel ku dhow Xarunta Gaadiidka Boliska oo ku taalla Degmadda C/casiis.

Qaraxaasi waxaa lagu dilay ugu yaraan 3 Sarkaal oo ka tirsan Boliska, iyadoo dhowr kalena ku dhaawacmeen.

Telefishinka Aljazeera ayaa baahiyey inay Alshabaab u xaqjiiyeen mas’uuliyadda qaraxaasi oo ay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa la beegsadeen

Maqaayad laga cabo Shaaha, oo u dhow Xarunta Gaadiidka Boliska.

Dhinaca kale, Saraakiisha ku geeriyootay qaraxaasi waxaa ka mid ahaa Taliyaha Saldhigga Boliska Suuqa Bakaaraha iyo Taliye-xigeenka Boliska Degamdda Hawlwadaag.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor