Alshabaab oo sheegatay mas’uuliyada dad surka looga jaray Kenya

Afhayeenka Hawlgaolladda Alshabaab, Sheekh C/casiis Abu Muscab  ayaa sheegay inay Alshabaab ka dambeeyeen weerarka ka dhacay magaalladda Laamu ee Kenya.

Afhayeenka oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS waxa uu tilmaamay in weerarkaasi lagu dilay 5 qof oo aan Muslim ahayn.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Laamu, Gilbert Kitiyo ayaa sheegay inay Alshabaab waaberigii hore ee saakayto surka ka jareen 3-qof, halka mid kalena ay toogteen.

Isagoo khadka Telefoonka kula hadlayey Wakaalladda Wararka REUTERS waxa uu tilmaamay in ku-dhawaad 30 dagaalyahan oo aad u hubeysan geysteen weerarkaasi, iyagoo guri-guri u baaray, kuna dhawaaqayey magacyadda dadka ay surka ka jareen