Alshabaab oo shaaciyey Istaraatijiyadda Hawlgalladda ay ka fuliyaan Kenya

Afhayeenka Xarakadda Alshabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inay wax ka bedeleen Istaraatijiyadda hawlgalladda ay ka fuliyaan W/bari ee Kenya, wuxuuna xusay inay beegsanayaan dadka aan Kirishtaanka ahayn ee ku nool W/bari Kenya.

Isagoo la hadlayey Telefishinka Channel 4 News ee dalka Britain, waxa uu faahfaahin ka bixiyey sababihii ay Dagaalamayaasha Alshabaab bishii hore ee April 2-dii u weerareen Jaamacadda Garissa, wuxuuna xusay in sababta ugu weyn ee ay u beegsadeen tahay iyadoo ay  Ardaydu  ahaayeen dad Kirishtaan ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay ahaayeen dad Kirishtaan ah oo mustaqbalka noqon lahaa Janaraalo Ciiddan, Taliyayaal Bolis, Xildhibaano Barlamaano iyo Hawlwadeeno” ayuu yiri Afhayeenka Alshabaab, oo ugu baaqay dadka aan Islaamka ahayn inay isaga baxaan Garissa, waa sida uu hadlka u dhigay.

Magaalladda Garissa ayaa ah magaallo uu dhex maro Webi, iyadoo ay Mujtamaca Muslimiinta iyo kuwa Kirishtaanka kala deggan yihiin labada dhinac ee Webiga.

Dhinaca kale, Weriyaha Telefishinka Channel 4 News ee wareystay Afhayeenka Alshabaab oo lagu magacaabo Jamal Osman ayaa sheegay inuu ogaaday inay sii kordhayaan dadka deegaanka ee aan Muslimka ahayan ee ka firxanayo Garissa.

jAMAAL 03 JAMAAL 2

 

Xigasho: Channel 4 News