Alshabaab oo qiratay Duqeynta Maraykanka iyo in laga badbadiyey tirada lagu dilay

Afhayeenka Hawlgalladda Alshabaab, Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa xaqiijiyey inay Maraykanka duqeeyeen Deegaan ay Alshabaab maamulaan.

Afhayeenka oo la hadlayey Wakaalladda Wararka REUTERS waxa uu tilmaamay inay Maraykanka ka badbadiyeen tirada ay ku sheegteen inay tahay in ka badan 150 Dagaalyahan ku dileen duqeymahaasi.

“Maraykanka wey duqeeyeen Deegaan ay Alshabaab maamulaan, balse wey ka badbadiyeen tirada khasaaraha,marnabada 100 dagaalyahan isuguma geyno hal meel sababo dhinaca Ammaanka” ayuu yiri  Sheekh C/casiis Abu Muscab oo intaasi ku daray inay og yihiin inay Diyaarado badan buuxiyeen cirka.

Afhayeenka Hawlgalladda Alshabaab, Sheekh C/casiis Abu Muscab waxa uu ka gaabsaday inuu bixiyo tirada khasaaraha ka soo gaaray duqeymihii Maraykanka ama uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo qaabka uu u dhacay Hawlgalkaasi.

Dhinaca kale, Wareysi uu  Sheekh C/casiis Abu Muscab siiyey Telefishinka Aljazeera ee Xaruntiisa Dhexe ku taallo caasimadda dalka Qatar ee Dooxa waxa uu ku  sheegay inay Maraykanka riyoonayaan, kana badbadiyeen tirada lagu dilay duqeymahaasi.

“Haa, duqeymaha waxay ka dhaceen meesha ay sheegeen, Laakiin, Tirada ay Caalamka u sheegayaan ayaa been ah” ayuu yiri Afhayeenka Hawlgalladda Alshabaab.

©Radio Dalsan