Alshabaab oo qarax ku dhaawacday Saraakiil ka tirsan Boliska Kenya

Taliyaha Boliska Gobalka Mandera, Job Boronjo ayaa sheegay inay Saraakiishaasi oo mid ka mid ah Xaalladiisa aad u liidato ay ku dhaawacmeen miino loogu aasay Kontoroolka Point 3 ee xuduudka Degmadda Mandera la wadaagto Somalia.

Boliska waxay sheegeen inay tuhunsan yihiin inay Alshabaab miinadda ku aaseen halkaasi xilli habeen ah.

Miinadda ayaa la sheegay inay ku qaraxday xilli ay Saraakiisha u fadhiyeen Kulan Qado.

Saraakiisha  ku dhaawacantay qaraxaasi  ayaa la filayaa in loo duuliyo magaalladda Nairobi, si loogu daaweeyo.

Dhinaca kale, Qaraxaasi ayaa ah kii Labaad oo wax ka yar 72 saacadood lala  beegsado Saraakiisha Boliska Kenya.

Weerar ay Alshabaab dorraad ku qaadeen Kolonyo gawaari ay la socdeen Saraakiil Kenyan, ayaa waxaa lagu dilay Hal Sarkaal, iyadoo labo kalena lagu dhaawacay.

Weerarkaasi oo ah nooca Jidgalka (Ambushka) waxa uu ka dhacay inta u dhexeysa Degmooyinka Ceel-waaq iyo Lafeey ee Gobalka W/bari Kenya.

© Radio Dalsan