Alshabaab oo Maanta Ka Baxay Deegaanka Gendershe ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Wararka naga soo gaarayo gobolka Shabeellaha hoose, gaar ahaan deegaan xeebeedka Gendershe ayaa ku waramaya inay isaga bexeen ciidankii  Alshabaab, kadib markii ay ku dhawaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Alshabaab ay gudaha ay u galeen deegaanka Jilib Marka ee isla gobolka Shabeellaha hoose, halkaasi oo ku badan yihiin beeraha.

Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhaqdhaqaad ka wada gobolkaas, kaasi oo ka dhan ah Alshabaab, waxaana saraakiisha ciidankaasi ay sheegeen inay duulaan ku yihiin Alshabaab, si ay uga saaraan deegaanada gobolkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media