Alshabaab oo lagu eedeeyey inay Ardayda Jaamacadda University of Nairobi siiyaan mushaar joogto ah

Madaxa Xarunta Dhexe ee Qaranka Kenya ugu qaabilsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda, Isaaq Ojiyeng ayaa hadalkaasi sheegay, wuxuuna xusay in Ardayda wax ku barata Dugsiyadda Sare iyo Jamaacaddaha Kenya in loo qoray si ay ugu biiraan Ururradda Xag-jirayaaasha.

Waxa uu sheegay inay hayaan xog dhinaca Sirdoonka oo ku saabsan inay Arday dhigata Jaamacadda Nairobi inay mushaar ka qaataan Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inay tahay arrin laga xumaado, wuxuuna ka digay inay Hay’adda Sirdoonka gacanta ku soo dhigi doonaan Ardayda Xag-jirayaasha ah.

Hadalkiisa ayaa yimid dhowr bilood kadib, markii Arday dhigan jiray Jaamacadda University of Nairobi ka mid ahaa Dagaalamayaashii Alshabaab ee bilowgii bishii April weerarka ku qaaday Jaamacadda Garissa, laguna dilay 149 qof oo Arday u badnayd.

Ardaygaasi oo la oran jirey Mohammed Abdirahim Abdullahi, laguna naanaysi jirey Alabamo ayaa waxa uu dhigan jirey Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda University of Nairobi, wuxuuna ahaa wiil  uu dhalay Abdullaahi Daqare oo ah Caaqilka Deegaanka Buula Jamhuuriya ee Degmadda Mandera.

Links: http://www.nation.co.ke/news/University-Students-Recruitment-Al-Shabaab/-/1056/2769524/-/ier3ruz/-/index.html

Xigasho: Daily Nation

© Warqabadka Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor