Alshabaab oo labo Askari ku gawracday duleedka Mahadaay.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay inay 2 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Dowladda ku gawraceen duleedka Degmadda Mahadaay ee Gobalka Sh/dhexe.

Askartaasi ayaa la sheegay in lagala degay Gaari Bas ah oo ay la socdeen, kaasi oo isaga gooshayey Deegaanadda Biyo-cadde iyo Mahadaay.

Dadka Deegaanka ayaa u sheegay Radio Dalsan in ay Alshabaab gawraceen 2-da Askari, kana qaateen 2 qori oo AK 47 oo ay wateen.

Askarta la dilay oo ka tirsanaa Guutada 5-aad ee Ciiddanka Milliteriga ee DFS waxaa lagu kala magacaabi jirey Axmed Yacquub iyo Mowliid Xuseen Qeylshe.

Wararka ugu dambeeyey  waxay sheegayaan in Ciiddan ka tirsan Dowladad ay gaareen duleedka Mahadaay, si ay u soo qaadaan Maydadka Askarta la gawracay.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media