Alshabaab oo la sheegay inay shuruud ku xiray sii-daynta Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya

Qoyska Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Fredrick Chirchir ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin xaalladiisa, iyadoo ay Dagaalamayaasha Alshabaab gacanta ku hayeen tan iyo markii ay ka soo qafaasheen hawlgal ay ka fuliyeen Saldhig Bolis oo ku yaalla Degaanka Damajaleh ee duleedka Libooya.

Aabaha dhalay Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Joseph Martim oo ku sugan Deegaanka Bomet ee dalka Kenya ayaa u sheegay Wargeyska The Standard inuusan Dowladda Kenya wax war ah ka helin , tan iyo markii la afduubtay wiilkiisa bishii May 25-dii ee sannadkii 2013-kii.

Joseph Martin waxa uu ku eedeeyey Dowladda Kenya inaysan wax badan ka qabanin sidii loo soo dayn lahaa wiilkiisa, wuxuuna ku eedeeyey inay joojiyeen Mushaarkii uu  Wiilkiisa qaadan jirey.

Sarkaalka Kenyaatiga ee u afduuban Alshabaab oo 58-jir ah ayaa la sheegay inuu dhalay 7 carruur ah, iyadoo qaar ka mid ah carruurtiisa  lacag la’aan darteeda looga soo cayriyey Dugsiga ay dhigan jireen.

Dhinaca kale, Aabaha dhalay Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Joseph Martim ayaa u sheegay Wargeyska The Standard inuu habeen hore Telefoon ka helay Dagaalamayasha Alshabaab, isla markaana ay shuruud ku xireen si loo sii daayo wiilkiisa, Fredrick Chirchir.

Waxa uu tilmaamay inuu muddo ka badan 5 daqiiqo kula hadlay Telefoonka, wuxuuna xusay inay Alshabaab ka codsadeen qoyskiisa inay Dowladda Kenya cadaadis ku saaraan sidii ay Ciiddankooda uga soo daad-gureyn lahaayeen gudaha dalka Somalia.

Waxa kaloo uu tilmaamay inay Alshabaab mar kale soo waceen, una oggolaadeen inuu la hadlo wiilkiisaFredrick Chirchir.oo ah Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya.

Aabaha waxa uu xusay in ay Alshabaab u sheegeen inay Wiilkiisa sii dayn doonaan, haddii ay Ciiddanka Kenya ka baxaan gudaha dalka Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan Bayaan cad oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab shuruud uga dhigeen sii-daynta Sarkaalkaasi Kenyaatiga ah.

 

Xigasho:- The Standard

© Warqabadka Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor