Alshabaab oo la sheegay inay Samafalayaal ka afduubteen duleedka Baardheere

3 qof oo ka tirsan Hay’addaha Samafalka ee ka hawlgala Gobalka Gedo ayaa barqanimaddii maanta laga afduubtay Deegaanka Siidiimo oo 50-KM dhanka Galbeed kaga toosan Degmadda Baardheere.

Mas’uuliyiinta Maamulka Baardheere ayaa sheegay inay Alshabaab qafaasheen raggaasi oo ku sii jeeday Degmadda Ceel-waaq.

Dadka la qafaashay waxay kala ahaayeen Madaxa Bisha Cas ee Gobalka Gedo, Aadan Cabdi Aadan, Ku-xigeenkiisa C/naasir Abshir iyo Cali Sugulle oo ka tirsan Hay’adda Samafalka ee Saada Relief.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Alshabaab shaqaale ka tirsan Hay’addaha Samafalka Waddaniga ka qafaashaan duleedka Baardheere.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor