Alshabaab oo la sheegay inay nin surka kaga jareen duleedka Buulo-burde.

Wararka naga soo gaarayo magaalladda Buulo-burde ee Gobalka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan inay Alshabaab xalay nin ku gawraceen Tuulladda Jameeco Mubaarak ee 25 KM u jirta Degmadda Buulo-burde.

Ninka la gawracay oo la oran jirey Sheekh Axmed Sheekh C/raxmaan, ayaa la sheegay inuu ahaa Ganacsade caan ka ah Deegaankaasi.

Warar kale ayaa sheegayo inuu Marxuumku ahaa Shiikh caalin ah oo laga yaqaano Gobalka Hiiraan.

Dad ehel la ah Marxuumka la gawracay ayaa sheegay inay Alshabaab xalaya kala baxeen Hoygiisa, mana cadda sababaha rasmiga ee ka dambeysay dilkaasi.

Maamulka Buulo-burde ayaa sheegay inay ku raad-joogaan kooxihii geystay garwacaasi, waxayna beeniyeen inuu Marxuumkaasi la shaqeyn jirey Maamulka Gobalka Hiiraan.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab dad ku dilaan duleedka Buulo-burde iyo qeybo kale oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.

©Radio Dalsan        

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor