Alshabaab oo la sheegay inay Macallimiin Kenyaati ka soo qafaasheen Mandheera

Madaxa Ammaanka ee Mandheera, Alekis Nakoyo ayaa la xaqjiiyey in Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab xalay soo qafaasheen labomacallim oo wax ka dhiga Dugsiyadda Hoose ee Mandheera.

Waxa uu sheegay inay wadaan baadi-goobkaasi Macallimiintaasi oo uu xusay inaysan ahayn dadka deegaanka.

Dagaalyahannadda ayaa la sheegay inay Macallimiintaasi saqdii dhexe ee xalay ka soo qafaasheen gurigooda oo ku yaalla Degmadda Mandheera, kadibna ay ula soo dhaqaaqeen gudaha xuduudka Somalia.

Dhacdadan ayaa timid saacado kaadib, markii ay Alshabaab dileen Sarkaal ka tirsan Maamulka Degaanka Alcarabiya ee duleedka Mandheera o ola oran jirey Mukhtaar Otiyeeno.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in Mas’uulkaasi la dilay, kadib, markii la bixin waayey lacag madax furasho oo dhamayd 43,800 oo Dollar.