Alshabaab oo ku hanjabtay inay weeraro cusub ka geysan doonaan Kenya.

Madaxa Alshabaab ugu qaabilsan Faraca ka hawlgala gudaha Kenya, Axmed Imaam Cali ayaa sheegay inay weeraro dheeraad ah ka geysan doonaan gudaha Kenya, hal bil kadib, weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen Ciiddankii Kenya ee ku sugnaa Xero ku taalla DeegaankaCeel-cadde ee Gobalka Gedo.

Hoggaamiyahaasi waxa kale oo uu tilmaamay inay ka wada xaajoodeen sidii loo beegsan lahaa Ciiddanka Kenya ee ku sugan gudaha Somalia.

“Ogaada inay hubaal tahay Masiibaddii gilgishay Ceel-cadde, Dadka Kenyaanka waan u dignay mar kale iyo mar kale” ayuu yiri Madaxa Alshabaabka ka hawlgala gudaha Kenya oo dhawaan la hadlayey Ciiddan ka tirsan Alshabaab oo tababar u dhamaaday.

Farriinta Hoggaamiyahaasi oo Maqal iyo Muuqaal ah, laguna turjumay Luqadda Englishka waxaa baahisay Hay’adda Warbaahinta Islaamiga ee Alqaacida  (The Alqaeda linked Global Islamic Media Foundation (GIMF).

Ahmed Imam Ali, waxa kale oo uu ka hadlay Dembiyo uu sheegay inay Ciiddanka Kenya ka galeen Soomaalida iyo Kenyaanka, isagoo xusay inay ka aar-gudi doonaan Haweenka Muslimiinta xaamiladda ah ee ay Askarta Kenya ka soo tuureen Dabaqa 3-aad iyo kuwa kale ee lagu dilay Mandera, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Hoggaamiyahaasi, waxa uu si toos ah ula hadlay Qoysaska Askarta Kenyanka ee la dilay, wuxuuna yiri: “Haddii qoyska ninka iska lahaa qorigan tirsigiisu yahay 490 ku arki jireen wiilkooda, ha ogaadaan haatan Aniga ayaa ka soo qaatay isaga”.

Wuxuuna intaasi ku daray in qoys kasta oo ka tirsan Ciiddankaasi ee ay ku durduriyeen Libaaxyadda Alshabaab inay la soo xiriiraan Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

حركة الشباب الصومالية  (8)

حركة الشباب الصومالية  (5)

حركة الشباب الصومالية  (7)

حركة الشباب الصومالية  (6)حركة الشباب الصومالية  (4)

©Radio Dalsan