Alshabaab oo ku goodisay inay weerari doonaan Madaxtooyadda Kenya.

Hoggaamiyaha Alshabaabka ku sugan gudaha Kenya (Garabka Alhijra), Axmed Iimaam Cali ayaa hadalkaasi ku sheegay Muuqaal Video cusub oo ay Alshabaab si Online ah u soo dhigeen Baraha Internetka.

Hoggaamiyahaasi oo Kenyaati ah waxa uu tilmaamay inay Dagaalyahannadiisa beegsan doonaan Xarumo waa weyn oo ku yaalla Kenya oo uu ka midka yahay Qasriga Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

state house in nbiWaxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab ku dhex gaardin doonaan Qasrigaas, laguna khasbi doono dadka Kenyanka inay bedelaan Calankooda, oo ay ka tirtiraan dhamaan midabada, marka laga reebo midabka casaanka ah.

Hoggaamiyaha Alshabaabka ku sugan gudaha Kenya(Garabka Alhijra), Axmed Iimaam Cali oo ah Enjineer ka soo jeeda Deegaanka Majengo ee dalka Kenya waxa kale oo uu goodiyey  inay Alshabaab dhiig ku daadin doonaan gudaha Kenya, isla markaana ay weerari doonaan gees kasta oo ka mid ah dalkaasi.

Waxa  kale oo uu tilmaamay in loo baahan yahay inay Kenyanka wax ka bartaan khibradaha dhiigga lahaa ee Ciiddanka Ethiopianka, Ugandese-ka iyo kuwa Burundi ee lagu dhex burburiyey Xeryahooda ku yaalla Somalia.

Dhinaca kale, Dowladda Kenya waxay horey Hoggaamiyahaasi madaxiisa u dul dhigeen abaal-marin Lacageed oo dhan 300-million oo Shillinka Kenya ah.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor