Alshabaab oo ku baaqday inay kaalmo la gaaraan Muslimiinta ku dhibaataysan K/bari ee Asia

Xarakadda Alshabaab ayaa markii ugu horreysay soo saartay Qeylo-dhaan ku aadan in loo gargaaro dad ku hdibaataysan meel ka baxsan Geeska Afrika.

Hadal Qoraal ah oo ay Alshabaab soo saareen ayaa lagu baaqay in gargaar lala gaaro Muslimiinta ka soo jeeda Burma ee ay dhibaatadda u geysanayaa dadka haysta Budhistaha.

Alshabaab waxay ugu baaqady Muslimiinta ku nool dalalka Bangaladesh, Malaysia iyo Thailand inay kaalin dhexe ka qaataan sidii loo xaqiijin lahaa in dhibaatadda laga saaro Muslimiinta ku dhibaataysan dalka Mayanmar.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay Kumanaan Muslimiin ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur badan ay ka soo firxadeen guryahooda, kuwaasi oo loo baahan yahay in lagu taageero inay si nabad ah ku soo gaaraan Xeebaha.

War-saxaafadeedka Alshabaab , waxaa lagu muujiyey in dembiga keliya ee loo soo qaxinayo  dadkaasi Muslimiinta inay tahay Islaanimadooda oo keliya.

Alshabaab waxay ku booriyeen Muslimiinta ku nool dalalka Malaysia, Indonesia iyo Tahiland inay gacmo furan ku soo dhaweeyaan Walaalaha Muslimiinta ee Rohingya, lana dhowro sharaftooda

Hadalka Alshabaab ayaa soo baxay, wax yar kadib, markii ay Dowladaha Indonesia iyo Malaysia oggolaadeen inay si KMG u siiyaan hoy Kumanaanka Muhaajiriinta Muslimiinta Rohingya ee ku xayiran Doonyaha taagan Xeebaha dalalkaasi.

Labadaa Dowladood waxay qaabilaada Muslimiintaasi ku xireen inay Beesha Calaamka muddo hal sanno gudaheeda ay Dib-u-dejin uga helaan Waddamadda kale.

qaxooti 2 QAXOOTI

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor