Alshabaab oo isaga baxay Saldhigga Deegaanka Ceel-cadde.

Xiriiro aynu la samaynay dadka fara-ku-tiriska ee weli ku sugan Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo waxay sheegayaan inay Alshabaab isaga huleeleen Saldhiggii Ciiddanka Kenya ku lahaayeen Deegaankaasi, oo ay Alshabaab qabsadeen Jimcihii la soo dhaafay.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay inay ka wada baxeen Saldhigaasi, kana qaateen dhamaan wixii Agab Milliteri ee halkaasi yaallay.

Milliteriga Kenya ayaa la sheegay inay abaabul xooggan u soo galeen sidii ay dib ugu qabsan lahaayeen Saldhigii lagala wareegay Jimcihii la soo dhaafay.

Dhinaca kale, Alshabaab waxay sheegeen inay gacanta ku hayaan 12 Askari oo Kenyan ah, kuwaasi oo ka mid ahaa kuwii ka firxaday dagaalkii Alshabaab ku qabsadeen Saldhiga Ceel-cadde.

Ciiddankaasi ayaa la sheegay in loo kaxeeyey deegaan ku yaalla Gobalka J/dhexe, halkaasi oo ay Alshabaab ku xooggan yihiin.

©Radio Dalsan                                       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor