Alshabaab oo Dhagax Ku Dilay Mid Kamid Ah Rag Ay Xukumeen

Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in maanta Alshabaab ay laba ruux ku dileen deegaanka Buq-aqable, kuuwaasi oo ay ku eedeeyeen kufsi.

Alshabaab ayaa mid ka mid ah raggaasi ku dilay dhagax halka mid kale ay toogteen, Kaasi oo ay ku sheegeen inuu ka tirsan ciidanka dowladda.

Axmed Ibraahim ayay Alshabaab ku eedeeyeen Kufsi iyo inuu dilay gabadha uu kufsaday walaalkeed sida ay sheegeen, kaasi oo ay saakay dhagax ku dileen.

Sidookale Shabaab ayaa toogatay Yuusuf Cali Bajiin oo ay sheegeen inuu ka tirsanaa ciidamada dowldda, islamaraakana  maanta meel fagaara ah ay ku toogteen.

Xukunka waxaa fuliyey maxkamada Alshabaab ee gobolka Hiiraan, iyadoo ay daawanayeen dadweyne fara badan xukunka dilka  ah ee lagu riday labadaasi ruux.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media