Alshabaab iyo Xoolo-dhaqato ku dagaalamay duleedka Maxaas.

Iska horimaad lagu riiqmay ayaa waxa uu xalay ka dhacay Tuullooyinka Qandho iyo Tardo oo ka tirsan Degmadda Maxaas ee Gobalka Hiiraan.

Taliyaha Boliska ee Degmadda Maxaas, Xasan Xuseen ayaa u sheegay Idaacadda Radio Dalsan in iska horimaadkaasi lagu dilay 7 qof oo labada dhinac ah, isla markaana la dhaawacay 9 kale.

Taliyaha ayaa sheegay inuu dagaalku qarxay kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku khasbeen dadka deggan Tuullooyinkaasi inay Xoolahooda ka bixiyaan Zakawaat, taasi oo Xoola-dhaqatadu ka biyo-diideen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in la gubay gaari ay Alshabaab ugu talagashay in lagu daad-gureeyo Xoolaha sako ahaanta loo bixiyo.

Wararka ugu dambeeyey ayaa sheegayo inay dadka Deegaanka gacanta ku hayaan Maamulka Tuullooyinkii lagu dagaalamay.

Ciiddan ka tirsan kuwa Dowladda ayaa waxay gurmad ahaan u gaareen Tuullooyinka, si loo xoojiyo Ammaanka.

9 qof oo ku dhaawacantay iska horimaadka ayaa lagu daaweynayaa Isbitaallo ku kala yaalla magaalladda Beled-weyne iyo Degmadda Maxaas.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor