AlShabaab iyo Ciidanka Kenya oo Ku Dagaalamay Gobolka Jubbada Hoose

Wararka naga soo gaarayo gobolka Jubbada hoose, gaar ahaan deegaanka Hoosingow ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya Shabaab iyo ciidanka dowladda Kenya, kadib markii  Alshabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidanka Kenya.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaal uu dhexmaray labada dhinac, kaasi oo geystay khasare dhimasho iyo dhaawac, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in werarkaasi lagu dilay laba askari oo ka mid ah ciidamada Kenya, gaadiid dagaalna looga gubay.
Ciidanka Ashabaab ayaa inta badan weeraro ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, kuwaasi oo dhoor jeer ku dagaalamay deegaano ka mid gobolada Jubbooyinka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media