Alshabaab geeddi ah oo gaaray Gara-cad iyo Barakaca ka socda Deegaankaasi.

Ilo-wareedyo ku sugan Degmadda Gara-cad ee Gobalka Mudug ayaa waxay xaqiijinayaan inay barqanimaddii maanta halkaasi gaareen Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab.

Ilaa 2 dooni oo nooca waa weyn oo ay la socdeen Alshabaab ayaa la sheegay inay maanta gaareen Gara-cad, waxayna dadku sheegeen inay Alshabaab wateen hub aad u fara badan.

Guddoomiyaha Gara-cad, C/nuur C/llaahi Xersi ayaa sheegay inay halkaasi soo gaareen Alshabaab fara badan, taasi oo sababtay inay dadka rayidka u firxadaan Deegaanadda kale.

Shalay ilaa xalay, ilaa 5 dooni oo ay Alshabaab leeyihiin ayaa gaaray Xeebta Gara-cad, kuwaasi oo la sheegay inaysan wax dhibaato ah u geysanin dadka rayidka.

Dhinaca kale,  Alshabaab waxay maanta fariisimo ka dhigteen gudaha iyo daafaha Gara-cad, iyadoo warar saakayto soo baxay sheegeen inay Alshabaab isaga huleeleen Gar-cad.

Sidoo kale, Alshabaab watay doonyo  ayaa gaaray duleedka Degmadda Eyl ee Gobalka Nugaal, kuwaasi oo la sheegay inay isku ballaariyeen Deegaanka garmaale.

©Radio Dalsan