ALECSO oo qabanqaabinayso Shirweyne Caalami oo looga tashanayo Horumarinta Waxbarashadda dalka Somalia.

ALECSO

Shir Hordhac oo loogu gogol-xaarayo Shirweyne Calaami oo lagu taageerayo Horumarinta Waxbarashadda Somalia ayaa lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Hay’adda QM ugu qaabilsan W/barashadda, Culuunta Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) ku leeyihiin caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Ururka Jaamacadda Carabta ugu qaabilsan W/barashadda, Culuunta Sayniska iyo Dhaqanka ee ALESCO, Dr. C/casiis Bin Altowjari ayaa sheegay inay Dowladaha Carabta ka go’an tahay in dib loo dhiso, lana horumariyo Nidaamka Waxbarashadda ee dalka Somalia.

Kulankaasi Wada-tashiga waxaa kaloo ka qeyb galay Wasiirka W/barshadda Dowladda Federalka Somalia, Marwo Khadra Bashiir Cali, Wasiirka W/barashadda iyo Tacliinta Sare ee dalka Kuwait,  Dr. Badar Alciisa, Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ugu qaabilsan W/barashadda, Culuunta Sayniska iyo Dhaqanka  ee Arab  League  Educational,  Cultural and Scientific Organization (ALECSO), Dr. C/llaahi Xamad Muxaarab iyo Madaxa Guddiga qabanqaabiyey Shirkaasi, Dr. Qaanim Najaar.

Madaxda ka qeyb gashay Shirka waxay isla meel dhigeen xilliga uu qabsoomi doono Shirweynaha Caalamiga ee Horumarinta W/barashadda Somalia.

Xarunta Hay’adda ALESCO waxay ku taalla caasimadda dalka Tunisia ee Tuunis.

© Radio Dalsan