Al Shabab oo xir xirtay Saraakiil Ajaanib ah oo iyaga ka tirsanaa

Ila wareedyo la hadlay Idaacada Mareykanka Ee VOA ayaa sheegaya Dagaalamayaal aad u hubeysan in ay xir xiren Saraakiil Ajaanib ah oo gaaraya 5 ruux kuwaas oo taageersanaa in Xarakada ay ku biirto Kooxda Daacish.

Saraakiisha ayaa lagu xiray Habeenkii Talaadada Ee Toddobaadkan Magaalada Jamaaame oo qayaastii 600 KM dhinaca Koonfureed kaga beegan Magaalada Muqdisho.

Cadeymaha Ragga la xir xiray weli lama ogga balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in la maqlay Rasaas xoogan xiliga la xirayay raggasi lkn sido kale lama ogga in cidna ay wax ku noqotay Howlgalkasi.

Ila Wareedyo ku dhaw dhaw Xarakada Al Shabab ayaa u sheegay VOA in la isku dayay in la aamusiiyo Ajaanibta u codeyay in Lagu biiro Kooxda Daacish halka Xubno badan oo Xarakada Ka tirsan ay weli taagersan yihiin in laga mid ahaado Shabakada Al Qacida.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor