Al Shabab oo xaqiijisay geerida Ninkii ka dambeeyay weerarkii Jaamacada Gaarisa

War xalay ka soo baxay Al Shabab ayaa lagu xaqiijiyay in uu geeriyooday Maxamed Maxamuud Cali (Dulyaden) oo ahaa madaxii soo abaabulay weerarkii lagu qaaday jaamacada Gaarisa.

Al Shabab ayaa sheegtay iney u boroor diiqayan una duceynayan Maxamed Kuno (Dulyaden) oo lagu dilay deegaanka Buula Gaduud oo qayaastii 30 KM waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo horaantii bishan Juunyo.

Weerarka lagu dilay waxa ka qeybgalay laba diyaarad oo ah nooca helikopterka ee uu leeyahay Mareykanka iyo ciidamada Soomaaliya ee sida gaarka u tababaran sida Jubbaland iyo dowlada federaalka ay sheegen.

Dulyaden ayaa ku safrayay gaari nooca Toyota Land Cruiser Prado isaga oo ay la socden 3 kale oo Al Shabab ahaa.

VOA ayaa ogaatay in u jeedka howlgalkasi usan ahayn in lagu dilo Dulyaden balse la doonayay in gacanta lagu soo dhigo,hase ahaate markii ay rasaas bilaaben Dulyaden iyo raggii la socday waa la toogtay.

Kenya ayaa hore u dul dhigtay madaxa Maxamed Maxamuud (Dulyaden) lacag gaareysa 200,000 oo dollarka Mareykanka ah.

Dulyaden ayaa ka dambeeyay weerarkii lagu dilay 148 arday oo wax ka baran jiray jaamacada Gaarisa 2dii bishii April 2015kii.